Afar qofood oo loo qabtay qaraxii shalay ka dhacay Istambuul

0
766

Ciidmada amaanka ee dalka Turkiga ayaa gacanta ku soo dhigay Afar qofood oo loo heysto iney ka dambeeyeen qaraxii shalay ka dhacay magaalada Istambul.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee (Anadolu) ayaa sheegtay in afartaasi qof lala xiriirinayaa in ay ku lug leeyihiin weerarkan, oo lagu dilay 11 qof, iyadoo 40 kalana halkaasi lagu dhaawacay.

Inkastoo aanay illaa iyo hadda jirin cid si buuxdo u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, ayaa Warbaahinta dalka Turkiga waxa ay qoreysaa in looga shaki qabo Jabhadda Kurdiyiinta ee (PKK) oo u dagaalanta sidii ay uga go’i lahaayeen dalka Turkiga intiisa kale.

Madaxweynaha dalka Turkiga mudane, Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, sheegayna in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, illaa iyo inta laga soo afjarayo kooxahaasi.

LEAVE A REPLY