Diyaarad ay leedahay Masar oo si deg deg ah ugu degtay dalka Uzbekistan

0
770

Diyaarad laga leeyahay dalka Masar ayaa si deg deg ah ugu degtay dalka Uzbekistan kadib markii la helay hanjabaad sheegeysa in bam uu ku jiro diyaaradda.

Diyaaradan waxaa saarnaa rakaab gaaraya 118 ruux iyo 17 Shaqaale ah, iyadoo hawada ku jirta ayaa la helay macluumaad ku aaddan in Diyaaradda bam uu saaran yahay, taasina waxa ay keentay Duuliyihii waday Diyaarada inuu deg deg u dejiyo.

Diyaaradda oo nambarkeeda yahay A330-220 ayaa ka ambabaxday Magaalada Cairo waxa ayna ku sii jeedday Magaalada Beijing.

Dhamaan dadkii saarnaa Diyaaradda ayaa si nabadgelyo ah looga dejiyay, waxaana baaritaan ku socdaa Diyaaradda oo ciidamada dalka Uzbekistan ay baaritaan ku hayaan.

Saddex todobaad ka hor ayeey aheyd markii Diyaarad EgyptAir oo ka ambabaxday dalka Faransiiska ay ku dul bur burtay Badda  Mediterranean-ka.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo in Diyaaraddaasi ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, balse baaritaanka ayaa weli socda.

LEAVE A REPLY