Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ciidamada dowladda ku dhexmaray Cadaado

0
782

Faah faahino dheeraad aha ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo ka wada tirsan qeybta 21-aad ee ciidanka XDS ku dhexmaray degmada Cadaado.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen Sadex Askari halka ay ku dhaawacmeen Lix qofood oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Iska hor’imaadkan dhex maray ciidamada ayaa la sheegay in uu ka dhashay mushaar la siiyay qaar ka mid ah ciidamadaasi halka ay gadood sameeyeen askar kale oo aan la siinin mushaarkaasi, waxa uuna dagaalkaasi ka dhacay ¬†xarunta kafaalo oo uu deganyahay maamulka Galmudug.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda iyo booliiska Galmudug ayaa markii dambe ku guuleestay in ay dagaalka kala dhax galaan islamarkaana kala qaadaan ciidamadii dagaalamay, waxaana hadda lagu soo waramayaa in xaaladdu ay tahay mid daggan.

Maamulka Galmudug ee ka taliya magaalada Cadaado iyo saraakiisha ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dagaalkan qasaaraha geeystay ee maanta magaalada Cadaado ku dhax maray ciidamada kawada tirsan Milatariga Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY