Raashin dhacay oo gargaar ahaan loogu waday Gedo oo lagu qabtay garoonka Aadan cadde

0
959

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay raashin la sheegay in uu dhacay oo hey’adda WFP ay gargaar ahaan ugu wadday magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Ciidamada booliska ayaa raashinkan qabtay xilli la doonayey in loo dhoofiyo magaalada Garbahaareey si loo gaarsiiyo dad danyar ah oo ku tabaaleysan halkaasi.

Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha ee ciidamada Booliska Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raashinkan dhacay ee la qabtay ay laheyd Hay’adaha Cunada Aduunka ee WFB, islamarkaana ciidanku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad mas’uul ka ahaa raashinka.

“Hay’adda WFB ayaa laheyd gacanta ayaan ku dhignay waxaa la doonayey in Garbahaarey iyo Baardheere la gaarsiiyo si dadka loogu qeybiyo”Ayuu yiri taliyaha.

C/laahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in la bilaabayo baaritaan ku saabsan raashinkan, gudi gaar ahna loo magacaabi doono.

“Dowlada gudi ayey u saari doontaan waana la baarayaa insha allh, wixii kasoo baxana wan la wadaagi doonaa Bulshada”sidaasi waxaa yiri C/kaahi Xasan Bariise.

Raashinkan ay qabteen ciidamada booliska Soomaaliya ayaa muuqaal ahaan isbedelay, taasi oo muujineysay in waqti badan uu raagay oo lagu hayey baqaarada.

LEAVE A REPLY