Colaaddii Shabeellaha hoose oo la qaboojiyay

0
680

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa si hadal heynta ugu badan ee Koofurta Soomaaliya ahayd colaaddii dadka badani ku dhinteen ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dhex martay beelo halkaas ku wada nool.

Dirir beeleedkani wuu ka duwanaa colaadaha kale ee dhex mara beelaha wada dega, oo waxaa jiray dad u muujinayay dagaalka mid u dhexeeya  dad degaan ah iyo kuwo soo duulay, kana shaqeynayay in aan dagaalka la joojin.

Dowladda Soomaaliya waxay ka gaabisay in ay damiso colaadda, waxayna ciyaartay kaalintii ururrada bulshada rayidka ah. Madaxda dalka ayaa midba mar dagaalka ka hadlay, waxa uuna mid walba ku baaqayay in dagaalka la joojiyo oo nabad la qaato.

Baaqa madaxdu jeedinayaan, waxa uu si cad u soo saaray  sida dowladdu uga gaabineyso  doorkeedii ahaa in ay nidaamka iyo kala dambeynta gaarsiiso guud  ahaan dalka.

marka uu madaxweyne baaq ku ekaado, oo uu kari waayo joojinta dhiig ku daadanaya goob dowladdu ka taliso, taasi waxay calaamad u tahay in ay wax badani maqan yihiin.

Madaxda dalku waxay ku mashquulsanaayeen  khilaafka dhexdooda ah in sidii ay u kala adkaan lahaayeen, wayna dhacday oo madaxweyne Xasan Sheikh wuu ka guuleysay ra’iisul wasaare Saacid oo baarlamaanku riday, markii  sidaas lagu riixay.

maalmo yarka hor ayay dowladdu soo baraarugtay oo ay dadaal ku bixisay daminnta colaadda iyo kala qaadista   maleeshiyo beeleedkii ku dagaallamay Shabeellaha Hoose.

Wafdi uu hor kacayo wasiirka Gaashaandhigga, ayna ku jireen xildhibaanno, oday dhaqameedyo, culimaa’udiin in aqoonyahanno  ayaa maalmihii yaraa ee tagay ku sugnaa aagga NO 50, waxayna dadkii dagaallamay u kala rareen lago goobood , waxaana la kala dhex dhigay AMISOM oo aan markii hore amar u heysan in ay arrinta soo fara geliso.

Dowadda Soomaaliya waa in aysan ka daahin wax ka qabashada colaadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira, waana in ay kaalin mug leh ka qaadataa dadaallada dib u heshiisiinta, daminta colaadaha iyo u gurmashada dadka tabaaleysan.

Webiga Shabeelle

LEAVE A REPLY