New York Times: Qaraxii Daallo indhaha ayaa laga laabtay

0
2036

 

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa ka soo xigtay Saraakiil Ameerikaan ah  inay u maleynayaan in bamkii lagu qarxiyay diyaaradda Daallo bishii February ee sanadkan, uu sameeyay nin Yamani ah oo ku sugan Somalia la aaminsan yahay in uu labtopyo badan ku rakibay walxaha qarxa.

Sawir laga helay qalabka wax lagu baaro ee garoonka Muqdisho, ayaa muujiyay in bambka laptobka qarxay uu haa mid muuqda oo ku dhegganaa bateriga computerka.

Khubaro dhanka duullimaadyada ah ayaa sheegay in ay u badan tahayin saraakiisha garoonka qaarkood ay si ula kac ah indhaha uga laabteen bamka in loo gudbiyo diyaaradda.

 

Barka ayaa ku qarxay diyaaradda Daallo 2-dii February ee sanadkan, 15 daqiiqo ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo ku sii jeedday dalka Djibouti.

 

Hal nin oo lagu magacaabo Cabdisalaan Boorleh, ayaa ku dhintay qaraxa, kaas oo meydkiisa laga helay meel ku dhow degmada Balcad. Waxaa loo badiyay in uu isagu bamka waday, balse dad badan ayaa shaki galiyay arrintaas.

 

LEAVE A REPLY