Xaashi Cumar oo xabsiga laga sii daayay

0
1864

Waxaa  shalay 19 October xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga laga sii daayay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaashi Cumar, kaas oo xirnaa in ka badan 18 sano.

Xaashi waxaa loo heystay in dacwad la xiriirta in uu ku lug lahaa dilka saxafiyad Talyaani ah oo 1994-kii lagu dilay Muqdisho, taas oo lagu magacaabi jiray Ilaria Alpi.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Xaashi lagu waayay dambigii loo heystay uuna xor yahay, waxay intaas ku dartay in dowladda Talyaanigu aysan racfaan ka qaadan karin xukunka maxkamadda.

Xaashi oo xaq darro u xirnaa ku dhowaad 20 sano, waxa uu muteysan doonaa mag dhow u dhexeeya 3 ilaa 5 Milyan oo Euro, sida uu bartiisa Facebook ku qoray Prof: Yaxye Sheikh Caamir, oo ka mid ahaa dadkii u doodayay Xaashi Cumar.

 

LEAVE A REPLY