Cabasho ma ka qabtaa habka doorashadu u socoto?

0
1694

Guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka dadban ayaa sheegaya in ay qabanayaan cabashooyinka murashaxiinta.

Guddiga ayaa sheegay in murashixiintu ay cabashadooda u soo gudbin karaan guddiga xallinta khilaafaadka, waxaase laga doonayaa murashax kasta oo cabasho qaba in uu bixiyo kun doollar, ka hor inta aan cabashadiisa la eegin.

Waxaa jira dad badan oo rumeysan in hannaanka doorashada dadban uu yahay mid uu hareeyay musuq maasuq iyo laaluush.

Tallaabada guddiga xallinta khilaafaadka ayaan la ogeyn sida ay wax uga baddeli karto natiijada howlihii la soo qabtay, sida doorasahda xubnaha aqalka sare oo ay soo dhammeys tireen dowlad goboleedyadu.

 

LEAVE A REPLY