Madaxweynha Hirshabeelle oo gaaray Baladweyne

0
1458

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cosoble waxaa safarkiisa Baladweyne ku wehliya xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhammaaday iyo kuwo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

sidoo kale waxaa la socda Maxamed Cabdi Waare oo ahaa murashixii kula tartamay xilka madaxweynenimada.

Waxaa lagu wadaa in madaxweyne Cosoble uu la kulmo dadka gobolka oo gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta ka biyo diidsan qaabkii ay u dhacday doorashada Hirshabeelle.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynuhu isku dayayo in uu ku qanciyo Ugaas Xasan Ugaas Cabdiraxmaan in uu ka soo qeyb galo caleemo saarkiisa oo lagu wado in uu bilowga toddobaadka soo socda ka dhaco magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY