Dowladda Koofur Afrika oo isaga baxaysa maxkamadda dambiyada dagaalka

0
1463

Dowladda South Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay si rasmi ah u codsatay in ay isaga baxdo xubinnimada maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC, sida ku cad document ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii dalal dhowr ah oo Afrikaan ahi ay walaac ka muujiyeen habka maxkamaddu u shaqeyso, iyagoo rumeysan in ay si gaar ah u beegsato hoggaamiyeyaasha Afrikaanka ah.

Sanadkii hore ayay dowladda Koofur Afrika sheegtay in ay qorsheyneyso in ay isaga baxdo maxkamadda, ka dib markii si weyn loogu dhaleeceeyay in aysan ICC u soo gacan galin madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir oo dalka Koofur Afrika booqanayay.

Afhayeen u hadlay QM ayaa ka gaabsaday in uu xaqiijiyo codsiga ay soo gudbisay Koofur Afrika, kaas oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Koofur Afrika Maite Nkoana.

LEAVE A REPLY