Dhirbaaxshadii Muslim Naceybka..Dhacdadii tareenka ee Britain

0
1720

Dalka Britain, nin cunsuri ah ayaa dhirbaaxay nin muslim ah oo ay tareen isla raaceen, isagoo muujinaya sida uu u necebyahay muslimiinta.

Ninkan cunsuriga ah ayaa tareenka uga dagayay xarunta Upton Park, ka dibna intii uusan degan ayuu u soo dhowaaday wiil dhallinyaro ah oo muslim ah oo ka soo jeeda Pakistan, ka dibna si xoog leh ayuu dhirbaaxay, wuuna cararay.

laakiin nasiib wanaag qof tareenka saarnaa ayaa sawirro qaadanayay oo video ka duubay.

Haweeneyn dhinac fadhiday ninka la dhirbaaxay ayaa eryatay ninka dhibka geystay, iyadoo ku qeylineysay “Maxaad sidaas u yeeshay”.

Haweeneyda ayay kaameroonka xarunta tareenku qabteen iyadoo eryaneysa ninka cunsuriga ah oo sii cararaya.

Youtube iyo baraha bulshada ayaa si aad ah loo faafiyay muuqaalka laga duubay dhacdadan, oo mar kale soo celisay doodda ku saabsan Isaam naceybka ka jira dalalka galbeedka.

Ninkan cunsuriga ah ee dhibka geystay ayaa muteysan doona sanado xarig ah.

 

LEAVE A REPLY