Faa’iidooyinka Sanjabiilka…Waad u riyaaqi doontaa!!!

0
2801

Sanjabiilku waa geed dhireed fac weyn oo tan iyo waayo fog loo adeegsan jiray dawo ahaan isagoo la shiiday oo budo ah iyo isagoo dareere ahba.

In kastoo horumar weyn laga gaaray dhanka caafimaadka iyo dawooyinka, haddan sanjabiilka waxaa wali loo aqoonsan yahay in uu dawo u yahay arrimo badan. Waxaa ku jira Ani Oxid iyo saliid muhiim ah.

Faa’iidooyinka Sanjabiilka waxaa ka mid ah:

Waxa uu u roon yahay dhaqaaqa caloosha.
Waxa uu u roon yahay hurka mindhiciraha
Waxa uu hoos u dhigaa heer kulka.
Waxa uu yareeyaa oonka iyo af qalleylka, gaar ahaan haweenka uurka leh.
Sidoo kale waxa uu u roon yahay qabowga jirka gala ama waxa loo yaqaan Koolbo aaryada, waxaa kaloo uu dilaa Feyruusyada sanka ee ka dhasha hargabka.
Waxa uu Sanjabiilku ka qeyb qaataa kororka dheecaanka xameetida, taas oo wax ka tareysa dheef shiidka qofka.

Laakiin haddii aad cabto Sanjabiil adigoo calooshaadu faaruq tahay, taasi waxa ay kuu keeni kartaa calool hur, haddii aad xasaasiyad ku leedahay. Sidaas darteed ayay dhaqaatiirtu ku taliyaan in qofku Sanjabiilka qaato isagoo calooshiisa raashin ku jiro.

 

LEAVE A REPLY