Turkigu fara gelin ciidan ma ku sameyn doonaa Suuriya?

0
480

Turkiga ayaa la filayaa in uu sanadkan cusub ee 2016 faragelin milateri ku sameeyo dalka Suuriya.

Hay’adda Stratfor oo xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa qiimeyn ay sameysay ku sheegtay in ay aad suurto gal u tahay in dowladda Turkigu ay fara galin milateri ku sameyso gobollada woqooyi ee dalka Turkiga, si ay halkaas uga tirtirto fallaagada Kurtidiyiinta ee xarumaha ku leh, waxayna u badan tahay in dowladda Mareykankuna ay Turkiga ku taageerto howl galkaas ciidan.

Hay’addo waxay tilmaanay in dowladda Turkigu ay gobolka ku leedahay door aad u weyn ayna xulafo dhow la tahay dalalka galbeedka gaar ahaanna Mareykanka.

Lama filayo ayay xaruntu leedahay in uu soo hagaago xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Ruushka, ka dib khilaafkii xoogganaa ee ka dhashay diyaaraddii Ruushku lahaa ee Turkigu soo riday dhammaadkii sanadkii 2015.

Waxaaba la saadaalinayaa in uu khilaafka Ruushka iyo Turkigu cirka isku sii shareeri doono haddii uu Turkigu howl gal ciidan ka fuliyo qeybo ka mid ah Suuriya.

 

LEAVE A REPLY