Sanad wanaagsan …Soomaali oo dhan 2016

1
581

Dunida oo dhan waxaa looga dabbaal dagay curashada sanadka cusub ee 2016-ka. Isu imaatinno waaweyn iyo xaflado ay malaayiin qofku ka qeyb galeen ayaa ka dhacay dacallada dunida.

Soomaaliya oo ka soo kabaneysa colaado daashaday muddo rubuc qarni ah, ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dabbaal degay sanadka cusub. Fannaaniin da’ yar ah oo qurbaha ka yimid ayaa habeenkii bilshada sanadka cusub xaflad music oo aad looga soo qeyb galay ka dhigay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kumannaan dhallin yaro ahi tikidho soo jarteen.

Caalamkana meelaha ugu waaweyn ee sidas weyn looga dabgaal dagay sanadka cusub, waxaa ka mid ah dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai, halkaas oo ay ku taallo daarta ugu dheer dunida.

Sanadka cusub ee 2016 waxa ay dad badan oo Soomaaliyeed rajeynayaan in uu dalkooda hooyo hagaago oo ay nabadda soo hagaageysaa si rasmi ah u sal dhigato.

Nagula daggaal dega heesta Sanad waliba ee uu qaado Allaha u naxariistee fannaankii Maxamed Suleymaan Tubeec

1 COMMENT

LEAVE A REPLY