Daawo Sawirrada: Ciidanka XDS oo u gurmanaya dadkii ka barakacaay Beledweyne

0
574

Ciidanka XDS ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa maalintii Todobaad u gurmanaya dadka ay barakiciyeen colaadaha iyo fatahaadda ka jira magaalada Beledweyne, waxaana la arkayaa ciidamada oo gaadiidkooda ku daad gureeynaya dadka tabaaleysan ee u barakacay duleeddada magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay soo badbaadiyeen qoysas muddo Shan maalmood ah ku go’doonsanaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne kuwaasoo ay ku dul dagaalamayeen maleeshiyo beeleed iska soo horjeeda.

Ftahaadda wabiga Shabeelle ayaa gaartay dhamaan afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne, taaso sababtay iney barakacaan dhamaan dadkii ku noolaa magaaladaasi, tiiyoo ay u sii dheertahay colaadda maleeshiyo beeleedyada ku dhexmareysa magaaladaasi..

Dadka ka barakacay Beledweyne oo lagu qiyaasay  ilaa Labaatan Kun ayaa ku dac darreeysan deegaannada Janta Kun Dishe iyo Ceel Jaalle oo dhaca dulleeddada magaaladaasi.

Barakacayasha oo warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday gurmad deg deg ah.

1 2 3 4 5 7

 

LEAVE A REPLY