Xildhibaan Goodax “Go’aanka Madaxweynaha, Baarlamaanka xooggiisa wuxuu u arkaa qalad”

0
810

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in go’aankii madaxweyne Xasan  uu shalay ku meel mariyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran uu yahay mid qaldan oo an waafaqsaneyn Dastuurka dalka.

Goodax ayaa hoosta ka xariiqay in sababta uu madaxweynahu u ansixiyay Heshiiskaasi ay tahay isaga oo eegaya Danihiisa gaarka ah oo doonaya in dib loo soo doorto.

“Go’aanka Madaxweynaha Baarlamaanka xooggiisa wuxuu uu u arkaa inuu yahay qalad inuu yahay mid aan Dastuurka waafaqsaneyn inuusan cidna u adeegeyn go’aankiisa aaqirkana dhalinaayo dhibaato aad u weyn oo ah waxa uu sameeyay lagu soo dhiso Hay’addii Sharci dejinta oo markaa Hay’adda Sharci dejinta lafteeda aanan sharci ku dhisneyn.” Ayuu yiri Goodax

 

Xildhiban Goodax oo sii hadlay ayaa yiri “Madaxweynaha waxaa ka go’neyd dano gaar ah, isaga oo fiirinaayo in la dhiso aqalka Sare, Maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay Xildhibaanada la soo magacaabayo inay isaga doortaan.”

Xildhibaanka ayaa sheegay iney soo saari doonaan Qaraar ay ku diidan yihiin go’aanka Madaxweynaha, iyadoo mudanayaasha baarlamanku ay ku kala aragti duwanyihiin arrintaasi.

Madaxweynaha Somaliya ayaa shalay xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskii ay wada gaareen madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboledyada dalka.

LEAVE A REPLY