Colaadda Gaalkacyo maxaa loogu bixi waayay?

0
1714

Waxaa muuqata in colaadda magaalada Gaalkacyo ay ia sii dareyso oo ay dad badani ku dhimanayaan.

4 toddobaad in ka badan ayuu socdaa dagaalka magaalada Gaalkacyo, mana muuqato ifafaalo dhaqso loogu joojinayo. Xitaa baaqyadii nabadeed iyo ergooyinkii iyo guddiyadii colaadaha ku bixi jiray uma muuqdaan kuwo sidii hore u shaqeynaya.

Madadxda dowlad goboleedyada qaarkood waxay is weydaarsanayaan eedeymo la xiriira dagaalka oo dadka sii kala fogeynaya.

Arday ayaa iskuulladii ka xirmeen, ganacsigii ayaa burburay, qoysas ayaa beylah ah oo guryahoodii ka barakacay.

Madaxda sare ee dalku waxay u muuqdaan kuwo siyaasadda ku maman oo aad ugu mashquulsan, waxay ka gaabinayaan inay waqti galiyaan joojinta colaadda iyo kala qaadista maleeshiyaad beeleedka baahan ee dhiigga iska daadinaya.

Waxaan u baahannahay dadaal culimada, bulshada rayidka ah iyo aqoon yahanka soomaaliyeed hormuud ka yihiin oo lagu hakiyo dagaalka ka ololaya Gaalkacyo. Siyaasiyiintu ha isaga mashquuleen qeybsiga xilalka iyo xafiiltanka danta ku saleysan, sidiiba caadada u ahayd, ee annagu ma ku mashquuli karnaa in aan nabad ka ridno Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY