Immisa Jirbaad u muuqataa?

0
713

Inkastoo oo mar kasta da’daadu tahay inta sano ee aad dunida joogtay, haddana waxaa jira farqi u dhexeeya da’daada rasmiga ah iyo  da’da aad u muuqato.

Dadka qaarkood ayaa u muuqda in ay ka weyn yihiin da’da rasmiga ah ee ay jiraan, halka qaar kalena ay u muuqdaan in ay ka yaryihiin da’dooda rasmiga ah. ma badna dadka ay si rasmi ah isu keenayaan da’dooda iyo muuqaalkooda.

Shirkadda caanka ah ee Mircrosoft ayaa dhowaan abuurtay website dhowr ilbiriqsi gudohood kuugu sheegaya da’da aad u muuqato in aad jirto.

Website-kan oo lagu magacaabo  www.how-old.net ayaa marka aad geliso sawirkaaga, dhowr ilbiriqsi gudohood kugu siinaya da’ada aad u muuqato in aad jirto. waxaad sidoo kale gelin kartaa sawir wadareed (photo group), isagoo qof walba da’da uu muuqdo foolka uga qoraya.

LEAVE A REPLY