UNCHR oo guulo ka gaartay Cholera ka dillaacay Dhadaab

0
1125

`    4aadfd426

Shaqaalaha hay’adda QM u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa guulo ka gaaraya dagaalka ay kula jiraan cudurka Cholera eoo bishii hore ka dillaacay xerada qoxooti ee ugu weyn caalamka ee Dhadhaab, oo uu cudurku ka dillaacay bishii hore.

Waxa uu ilaa hadda cudurku Dhadhaab ku dilay 10 qof ku dhowaad kun kalena way jiifaan oo waa laga daweynayaa sida laga soo xigtay UNCHR.

Cholera waa cudur badanaa ka dhasha nadaafad darrada, waxa uuna sababaa fuuq bax  daran oo qofka ku keena geeri deg deg ah haddii uusan helin gargaar deg deg ah iyo dawo.

Dhadaab waxaa lagu tilmaamaa xerada qoxooti ee ugu weyn caalamka, waxa ayna abuurantay bilowgii sagaashamaadkii xilligaas oo ay dagaallo daran iyo abaaro ba’ani ka jireen Soomaaliya.

LEAVE A REPLY