Trump….Toddobaadki Koowaad!

0
1685

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald J Trump ayaa 20-kii bishan January 2017 loo dhaariyay lana wareegay talada Mareykanka.

Trump ayaa durbadiiba bilaabayin uu fuliyo ballan qaadyo uu horay u sameeyay intii uu ololaha doorashada ku jiray, waxa uuna saxiixay go’aanno madaxweyne oo dood badan ka dhaliyay gudaha iyo dibadda Mareykanka.

Isagoo aan 7 beri joogin xafiiska, isagoo aan wali lahayn waziir arrima dibadeed, ayuu Trump qaatay go’aanno wax u dhimay xiriirka dibadeed ee dowladda Mareykanka.

Wuxuu saxiixay go’aan lagu dhisayo darbi kala xiri doono Mareykanka iyo dalka ay dariska yihiin ee Mexico. Intaas kuma ekaan ee wuxuu yiri dowladda Mexico ayaa bixin doonta kharashka ku baxaya dhismaha darbiga oo gaareya 15 billion oo Doollar.

Wuxuu kaloo Trump go’aamiyay in 20% la kordhiyo canshuuraha laga qaado badeecooyinka ka yimaada Mexico.

Trump wuxuu sheegay in uu ka bixi doono heshiiska ganacsiga xorta ah ee NAFTA ee kala dhexeeya dalalka Canada iyo Mexico, kaas oo qiimihiisu ka badan yahay 530 Billion oo Doollar.

Trump wuxuu saxiixay in muwaadiniinta 6 dal oo Muslim ah aysan soo gali Karin America, oo aan la siin Karin dal ku gal kmg ah ama qoxootinimo. Dalalkaasi waxay kala yihiin : Somalia,Sudan,Libaya,Syria,Iran iyo Ciraaq.

Tarxiilkii ugu horreeyay ee soo galootiga muslimiinta ah, waxaa lagu bilaabay Soomaalida. 90 Soomaali ah ayaa diyaarad la ilaalinayo lagu keenay Muqdisho.

Trump wuxuu ku hanjabay in aan Rusia laga qaadi doonin cuna qabateynta. Wuxuu sheegay in sheegay la dagaallami doono xagjirnimada ku baahday gobolka Bariga dhexe. Daacish wuxuu ku tilmaamay doolliyo wuxuuna yiri dunida waan ka tirtireynaa.

Wuxuu saxiixay In la kordhiyo kharashka ku baxa ciidanka iyo in la hormariyo hubka Nuclearka Mareykanka. Waxaa la filayaa in uu ciidammo dheeri ah oo dhulka iyo cirka ah u diro Suuriya oo colaadi ay ka jirto sanado dhowr ah.

Siyaasiyiin badan oo Mareykan ah oo ka kala tirsan Xisbiyada Jumhuuriga iyo Dimuqraadiga, ayaa aad uga soo hor jeestay go’aannada Trump. Mitt Romney ayaa ku tilmaamay go’aannadiisa kuwo khatar ku ah Diblomaasiyadda iyo Xiriirka gude iyo dibadeed ee dalka Mareykanka.

Medeline Albright , Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa iyaduna aad u mucaaradday go’aanka uu Trump ku mamnuucayo muhaajiriinta.

Malaayiin haween ah ayaa Trump ku bannaan baxay maalintii xigtay caleemo saarkiisa.

Madaxweynaha Mexico ayaa baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa Mareykanka.

Dadka wax falanqeeya ayaa rumeysan in Trump uu go’aannadan u qaadanayo si loogu arko nin ka dhabeynaya ballan qaadyadii uu doorashda ku galay , balse uu Mareykanka ku wado jid aan wanaagsaneyn oo naceyb dheeri ah u horseedaya.

By: Liibaan Abdi Ali

LEAVE A REPLY