Trudeau & Trump #Caadi Iska dhig!

0
1748

 

Labada hoggaamiye ee labada Dimoqraadiyadood ee dariska ah, ee Canada & USA maanta Soomaalida u kala roon.
Trudeau waxa wasiir u magacaabay Soomaali muslim ah markii ugu horreysay taariikhda Canada. Trump waxaa uu soo tarxiilay 90 Soomaali ah waxa uuna ka mamnuucay in ay America u safraan.

Tan hore kama dhigna in Canada ka fiican tahay America, tan dambena kama dhigna cagsiga. Waa iska dookha hoggaamiyaha iyo aragtiga xisbiga talada jooga.

Marka ay kugu soo dhacdo in aad America oo dhan u nacdo go’aanka Trump dartii, maanka hay in maalintii Trump la doortay, iyadana la doortay Representative Ilhan Omar oo Soomaaliya ka qaxday. Xusuusnow in uu Trump xafiiska u banneeyay madaxweyne aabbihii Muslim ahaa oo aan hal awoowe oo dhanka aabbihiis ahi ku aasneyn America.

Sidoo kale ogsoonow in malaayiin reer America ah dibad baxyo ka wadaan dalka oo dhan, iyagoo u doodaya in xayiraadda laga qaado muslimiinta.
Arrintu kuma saabsan shucuubta iyo dalalka ee waxay la xiriirtaa hoggaanka. #Caadi_iska_Dhig

By:Liibaan Abdi Ali
https://twitter.com/LibanAbdiAli

LEAVE A REPLY