NUSOJ oo hoggaan cusub dooraneysa

0
857

Midowga Suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ayaa maanta hoggaan cusub dooranaya, ka dib dhowr sano oo khilaafaad uu ragaadiyay ururka.

Ergooyin saxafiyiin ah oo matalaya hay’adaha warbaahineed ee ka jira gobollada kala duwan ee dalka, ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku shirsanaa Muqdisho, si ay u doortaan hoggaanka cusub ee NUSOJ oo dhowr bilood ka hor waqtigiisu dhammaaday.

Shalay ayay murashaxiinta u tartamaya xilalka hoggaamineed ee ururku khudbado ka hor jeediyeen ergooyinka wax dooranaya oo tiradoodu dhan tahay 149 ergo, iyadoo murashax kasta uu jeediyay hadal ku aaddan qorshihiisa hoggaanka ururka haddii la doorto.

Xilka Xog-hayaha guud ee ururka waxaa u tartamaya labo murashax oo kala ah: Maxamed Ibraahim Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC iyo Cali Baashi Cabdullaahi oo ah Agaasimaha Radio Mustaqbal.

Xilka Guddoomiyaha ururka NUSOJ waxaa u sharraxan wariyeyaasha kala ah:

1- Aadan Maxamed Salaad
2- Suleymaan Ismaaciil Bashiir
3- Mahad Xasan Diini
4- Maahir Jaamac Aadan

Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa u sharraxan dadka kala ah:

1- Muxyadiin Xasan Maxamed
2- Cabdirisaaq Maxamed Cabdullaahi
3- Yaasmiin Mayow Maxamed

Halkak guddoomiye ku-xigeenka labaadna ay u ordayaan:

1- C/fitaax Xasan Faarax Gud. Kux. 2aad
2- Xabiibo Axmed Jimcaale

Qaar ka mid ah macluumaadkan waxaan ka xigannay bogga Jowhar.com

 

LEAVE A REPLY