XAGEE NALOO WADAA???. By: Yaxye Caamir

0
1175

KursiKursKURSIGA : Dadka qaar ayaa FB ku soo qoro musharixiin u badan kuwa asalkoodo soomali yahay.ayaga oo ku leh kee baad dooran laheed. Horta ogaaw adiga iyo aniga midna ka mid mahan kuwa wax dooranayo,xataa kuwa noqon doona xildhibaanada mustaqbalku ma laha xoriyad wax doorasho ee hunguri iyo handadaad ayaa hageeysa. Kursiga la isku haysto ma ahan kan sawirka (A) ,waa midka (B) ee madawga ah oo wadamada itoobia,Kenya iyo wadama sadaxaad oo danleey ahi isku heeystaan qofka ku fadhiisan doona oo eeyaha AMISOM na ku ilaalin doonaan. Waxaana badanaa maqalnaa hebel waa is hubaa oo wadankaa ayaa wata ee ma ahan Somali ayaa wadata.adiguna ma xuli kartid shuruuduna waa isbadalee.kursiga daahirka ah waa kii somaliyu xushu,kan nacaladu ku taal waa kan eeyuhu ku dirirayaan.
QAXA: Dhinyaro badan ayaa beryahan ku dhimatay tahriib. Maxeey u tahriibeen. Ma ahan qaxooti dhaqaala doon ah ama dagaal ka cararay ee wax ay u qaxeen in ay soo buuxiyaan shuruudaha shaqada looga heli karo Somalia oo ah in aad heeysato paasport reer galbeed ah. Haddii iyaga oo jooga la siiyo passport kaa waa iska joogi la haayeen oo shaqo ayeey ku raadsan la haayeen.inkstoo shuruudu isbadali karto oo mar dhaw Passporkaa shuruud kale la daba dhigay. Usbuucii hore waxaan fiirinayay Bogga xayeesiinta shaqada ee hayadaha caalamiga ah ee ka howlgala Somalia ,kuwaa oo ku xiray shuruud cusub shaqada banaan, waxaan arkay 2 jago oo ka banaaneed Baladweyn qofka soo dalbanayo waa in uu yaqaan afka ingriiska iyo amxaariga, isla boggaa waxaa ku qoraa 3 jago oo ka banaaneed Baydhabo isla shuruudaa ayaa lagu xiray, hal jago oo ka banaanee jubada hoose waxaa shuruuda ka mid ahaa luqada ingriiska iyo sawaaxiliga, tan kale ee jowhar ka banaaneed waxaa lagaa rabaa ingriis iyo faransiis.( waa dhab ) Anigu shuruudahaa iyo kan passporkaba ma buuxi karo.adiga ma ogi,qorba joog badana luqadaha amxariga iyo sawaaxiliga ayeey ku dhici doonaan.Mustaqablkana waxaan ka baqaa in xildhibaan nimada iyo xilalka sare lagu xiro shuruudaa luqada iyo wax kale. XAGEE NALOO WADAA???
Qore. Yahya Amir

LEAVE A REPLY