Nabadgelyada Muqdisho oo sii hagaageysa

0
978

Magaalada Muqdisho oo magaceedu uu sanadihii tagay la xiriirsaday dagaallo, Duqeymo iyo qaraxyo ay dad ku dhimanayeen mar walba ayaa haatan ka soo reyneysa, waxaana laga dareemayaa degganaansho dhinaca ammaanka ah.

Waxaa yaraaday qaraxyadii iyo dilalkii joogtada ahaa. Sidoo kale waxaa koror laga dareemayaa ganacsiga, waxaana dib u dhis xooggan lagu hayaa dhismayaashii ku burburay dagaallada.

Ganacsi xowli ah ayaa magaalada ka bilowday, Soomaalida qurbaha ayaa iyaguna bilaabay in ay dalkooda ku soo laabtaan.

Si ka duwan sanadihii hore magaalada Muqdisho haatan habeenkii waxaad arkeysaa meherado ganacsi sida carwooyin , Makhaayado iyo goobaha internetka oo furan.

Carruurta ayaa ku cayaara waddooyinka nalalka leh sida waddada Maka Almukarrama, halka dhalliyaraduna ay ku fiidsadaan maqaaxiyada.

Hoteello badan ayaa magaalada laga sameeyay, waxaana sidoo kale soo badanaya makhaayadaha loo tamashlaha tago ee xeebta ku yaalla.

Qofka taga Liido Sea food ama Indian Ocean star oo dhawaan la sameeyay, waxa uu dareemayaa jawi nabadeed.

Qoysas ayaa galbihii u taga in ay il doogsadaan mowjadaha badda, qaarna wayba ku dabbaashaan, waxaa kaloo halkaas laga heli karaa internet wireless ah iyo adeegyo raashin oo kala duwan

LEAVE A REPLY