Daawo Sawirrada: Saameynta ay fatahaaddu ku yeelatay dadka ku nool magaalada Beledweyne

0
754

Fatahaaadda wabiga shabeelle uu ka sameeyay magaalada Beledweyne ayaa gaartay xaafadaha ay ka koobantahay magaaladaasi, iyadoo bulshadii ku dhaqnayd halkaasi ay dhamaantood ka barakaceen magaaladaasi, tiiyoo ay u sii dheertahay colaad beeleed ka dhacday xaafado ku yaala daanta galbeed ee magaaladaasi.

Dadka ayaa u barakacay deegaannada Janta Kun dishe iyo Ceel Jaalle oo dhaca duleeddada magaaladaasi, halkaasi oo ay ku heysato duruufo isugu jirta nolol xumo, biyo la’aan iyo iyagoo aan heysan hooy ay ka galaan qabowga habeenki iyo kulka cadceedda ee maalinti.

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti loona yaqaano hiil walaal ayaa dadkaasi u fidiyay gargaar kooban oo aan dabooli karin baahidooda, mana jirto wax gargaar muuqda ah oo la gaarsiiyay dadkaasi.

Maamulka gobolka Hiraan iyo kan degmada Beledweyne ayaa hore u dalbaday in dadkaasi lala soo gaaro gurmad bani’aaddanimo.

Xaafadaha magaaladaasi waxaa weli dhex ceegaaga biyaha wabiga, inkastoo dadaal dheer kaddib lagu guuleystay in xabbad joojin la dhex dhigo beelihii ku dagaallamay magaaladaasi islamarkaana la kala qaado maleeshiyaadki is hor fadhiyay.

baladweyn1 baladweyn2 baladweyn3 baladweyn5 baladweyn6 baladweyn7 baladweyn8 baladweyn9 baladweyn10 baladweyn14 baladweyn15 baladweyn16 baladweyn18

baladweyn22 baladweyn25

 

LEAVE A REPLY