Markab sida gargaar ka yimid Turkiga oo maanta ku soo xirtay dekedda Muqdisho

0
743

Markab sida shixnado gar-gaar ah, oo ay soo dirtay dowladda Turkiga looguna talagalay dadka ku tabaaloobay abaaraha iyo fatahaadaha ayaa maanta ku soo xirtay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Markabkan oo horraantii bishan ka soo shiraacday dalka Turkiga, ayaa sida Kow iyo Toban Kun tan oo shixnado gargaar ah.

Hey’adda Musiibooyinka deg dega ee Turkiga ayaa Markabkan sida gargaarka ku wareejisay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Gargaarka uu sido markabkan  ayaa lagu wadaa in dhowaan loo gudbiyo gobollada dalka ee dhibaatooyinka bani’aadanimada ka jirto, waxaana Saraakiil ka tirsan dowladda ay xaqiijiyeen in gargaarkii u horeeyay ee Turkiga ka yimid la gaarsiinayo dadkii ku barakacay fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaanoo ka mid ah gobollaha Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe..

Turkiga ayaa noqday dalkii u horreeyay ee u soo gurmaday dadka Soomaaliyeed markii abaaraha iyo macluushu ku dhufteen Koofurta Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

LEAVE A REPLY