Daawo Sawirrada: Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Faluuja

0
584

Ciidamada dowladda Ciraaq oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa duullaan culus ku qaaday magaalada Faluuja iyagoo isku dayaya in malleeshiyaadka Daacish ay ka fara maroojiyaan magaaladaasi.

Dagaal aad u xooggan ayaa ka socda duleedka magaalada Faluuja, iyadoo ciidamada Dowladda Ciraaq oo aad u hubeeysan ay dadaal ugu jiraan sidii ay gudaha ugu gali lahaayeen Magaaadaasi  oo hadda ay aad u difaacanayan dagaalyahannada Daacish.

Ciidamada Ciraaq ayaa gantaalo culus ku garaacaya qeybo ka mid ah magaalada Faluuja, waxaana laga wel welsanyahay xaaladda dad la sheegay iney wali ku go’doonsan yihiin xaafado ka mid ah magaaladaasi.

Dowladda Ciraaq ayaa rajo weyn ka muujisay in dhawaan ay si buuxda ula wareegidoonto magaalada Faluuja, ayna ka saaridoonto dagaalyahannada Daacish oo difaacanaya magaaladaasi.

falu_1 falu_2 falu_3 falu_4 falu_5 falu_6 falu_7 falu_8 falu_10 falu_11

 

LEAVE A REPLY